Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta cabashada ku saabsan caymiskaaga ama aad qabto su'aalo la xidhiidha caymiska oo luqadaada ah, fadlan soo wac Khadkayaga Macmiilka Caymiska: 800-562-6900.
Si aan si wanaagsan kuugu adeegno, marka aad nala soo xiriirto taleefanka, fadlan sug wax yar ka dib wicitaankaaga inta aan la xiriireyno turjumaan, lacag la'aan ah adiga.
Waxaan haynaa shaqaale khabiiro u doodista macaamiisha ah oo u heellan inay kaa caawiyaan inaad fahamto xuquuqdaada caymiska, oo ay ku jiraan xuquuqda rafcaanka caymiska caafimaadkaaga. Waxaan ka jawaabi karnaa su'aalahaaga ku saabsan dhammaan noocyada caymiska oo ay ku jiraan:
• Lacag bixinta si yar-yar ah
• Baabuur
• Ganacsi
• Caafimaadka
• Guriga
• Nolosha
• Medicare (Caymiska caafimaadka gobolka)
• Noocyada kale ee caymiska
Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa inaad xaqiijiso haddii wakiil, wakaalad, ama shirkad ay haysato shati ay ku iibiyaan caymiska Gobolka Washington.